Paracetamol-ka waa kiniinka ugu badan dunida ee loo isticmaalo kaar jabinta iyo madax xanuunka. Sida daawooyinka kale paracetamol-ku wuxuu leeyahay waxyeello “side effects” haddii si xad dhaaf ah loo isticmaalana waxaa dhasho dhibaatooyin khatar badan. Waxaa hubaal ah haddii aad maalin gudaheed aad qaadatid 8 xabo oo kaniiniga 500 mg ah in beerka dhaawac gaarayo.
Hadaba paracetamol-ka oo la badsado waxaa ka dhalan karo dhibaatooyinka soo socda:
- Waxaa uu dhawaac gaarsiyaa xubnaha gaarka ah ee beerka iyo kelyaha taaso laga yaabo inay ka dhalato sumow.
- Paracetamolka oo la badsado waxaa uu keenaa sonkorta oo kacdo, wareer, kaadida oo yaraato, shuban, dhididka oo bata iyo dhibaatooyin kale.
Haddii madax xanuunkaagu yahay mid joogto ah waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga si laguu siiyo daawooyin kala duwan.
Leave a reply